settings icon
share icon
Su’aal

Ma yahay Ciise Waddada kaliya ee Janada?

Jawaab


“Waxaan asal ahaan ahay qof wanaagsan, marka waxaan galayaa janada." “Waayahay, marka waxaan sameeyay waxyaabo xun, laakin waxaan sameeyaa waxyaabo badan oo wanaagsan, marka waxaan galayaa janada." “Ilaahey iima dirayo naarta sababtoo ah lama nooli Baaybalka. Waqtiyada way isbedeleen!" “Kaliya dadka aadka u xun sida kuwa carruurta ku xadgudba iyo dilaayaasha waxay galayaan naarta."

Kuwaan dhammaantood waa taxane caadi ah, laakin runta ayaa waxay tahay in kuligood ay been yihiin. Sheydaanka, xukumaha aduunka, ayaa ku abuuray fikirkaan madaxeena. Isaga, iyo qof walba oo raaca wadadiisa, waa cadawga Ilaahey (1Butros 5:8). Sheydaanka waa qiyaanoole iyo badanaa wuxuu iska dhigaa qof wanaagsan (2 Korintos 11:14), laakin wuxuu xukumaa dhammaan maskaxyada aan ka mid aheyn Ilaahey. “Ilaahey da’daan wuxuu camooleeyay maskaxyada kuwa aan aaminsaneyn, marka ma arki karaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiixiga, kaas oo ah muuqaalka Ilaahey" (2 Korintos 4:4).

Waa been in la aamino in Ilaahey uusan tixgelinin dambiyada yar ama in naarta waxaa loo dhigay “dadka xun." Dhammaan dambiyada waxay naga gooniyeysaa Ilaahey, xitaa “been yar oo waqti ah.” Qofwalba wuxuu leeyahay dambi, iyo ma jiro qof isku filan oo shaqsigooda janada geli karo (Rooma 3:23). Jano gelida kuma saleysno haddii wanaageena uu ka culusyahay xumaanta; dhammaanteen waan weyneynaa haddii taasi ay tahay dacwada. “Iyo haddii naxariis ahaan, ka dib ma ahan markale shaqooyinka; haddi ay ahaan laheyd, naxariista ma ahaan laheyn markale naxariis” (Rooma 11:6). Wax wanaag ah oo aan sameyn karno malahan oo aan ku heleyno wadadeena janada ah (Tiitos 3:5).

“Ka gal dhinaca ganjeelka ciriiriga ah. Balaca waa ganjeelka iyo balaca waa waddada kuu hogaamineyso bubur, iyo kuwa badan waxay ka galaan iyada" (Matayos 7:13). Xitaa haddii qof kale oo kale uu ku noolyahay nolol dambi ah oo dhaqan ahaan meeshaas oo Ilaahey la aaminsanyahay caan ma ahan, Ilaahey kaama raali ahaanayo. “Sida adiga, waxaad ku dhimitay caasinimadaada iyo dambiga, taas oo aad horay ugu noolaan jirtay marka aad raacday wadooyinka aduunkaan iyo xukumaha boqortooyada hawada, ruuxa kaas oo hadda shaqo kula jira kuwa caasiyoobay" (Efesos 2:1-2).

Goortii Ilaahey uu abuuray aduunka, kaamil ayay aheyd iyo wanaagsaneyd. Ka dib wuxuu abuuray Adam iyo Eve iyo siiyay rabitaankooda u gaarka ah, si markaas ay u helaan dooq ama hala raaco ama cadeec Ilaahey. Laakin wuxuu sheeydaanka isku dayay in uu ku caasiyoobo Ilaahey, iyo way dambiyoobeen. Tani waxay kala qeybisay iyaga (iyo qof walba oo yimid iyaga kadib, oo inaga aan ku jirno) taas oo u suurtgalisay lalahaanshaha xiriir dhaw Ilaahey. Waa kaamil Isaga iyo quduuska iyo waa in uu xukumaa dambiyada. Sida dambiilayaasha, waan ula heshiin weynay nafsadeena Ilaahey. Marka wuxuu sameeyay wadda aan Isaga kula midoobi karno janada. “Ilaahey aad ayuu u jecelyahay aduunka uu siiyay kaligiisa iyo Wiilka, ee qofwalba oo aamina isaga mala halaagayo laakin wuxuu helayaa nolol daa’in ah ”Yooxanaa (ohn 3:16). “Culeyska dambiga waa dhimasho, laakin naxariista Ilaahey waa nolol waarta ee Ciise Masiixi ilaaheygeena ah" (Rooma 6:23). Ciise wuxuu u dhashay in uu u dhinto dambiyadeena si markaas aanan ula kulmin. Sedex maalmood dhimashadiisa kadib, Qabriga ayuu ka soo kacay (Rooma 4:25), isagoo usu cadeynayo Shaqsigiisa guusha dhimashada ah. Wuxuu ka gudbay booska u dhaxeeyo Ilaahey iyo aadanaha si markaas aan ula yeelano xiriir gaar ah Isaga haddii aan aammino kaliya.

“Hadeer tani waa nolol dheer: ee laga yaabo in ay ku gartaan adiga, Ilaaheyga runta kaliya, iyo Ciise Masiixi, kaas oo aad soo dirtay" (Yooxanaa 17:3). Dadka badanaa waxay aaminsanyihiin Ilaahey, xitaa Sheydaanka wuu sameeyaa. Laakin badbaado helida, waa in aan Ilaahey ku laabanaa, qaab xiriir gaar ah, ku laabo dambigeena, iyo Isaga raacno. Waan in aan ku aaminaa Ciise wax walba oo aan sameyno. “Wanaagaan Ilaahey ka yimid ee ku yimid rumeynta dhinaca Ciise Masiixi oo dhammaan dadka aaminsan. Ma jiraan wax isbedel ah” (Rooma 3:22). Baaybalka wuxuu baray in aysan jirin waddo kale oo badbaado ah oo aan ka aheyn dhinaca Ciise. Ciise wuxuu yiri Yooxanaa 14:6, “waxaan ahay waddada, runta, iyo nolasha. Ma jiro qof u imaanaya Aabaha aan ka aheyn in uu aniga isoo maro."

Ciise waa waddada kaliya ee badbaadada ah sababtoo ah waa Qofka kaliya oo bixin karo ciqaabta dambigeena (Rooma 6:23). Ma jirto diin kale oo barto deynta ama halista dambiga iyo cawaaqibteeda. Ma jirto diin kale oo bixiso lacag bixin aan la koobi karin ee dambiga ah kaliya Ciise Masiixi ayaa bixin kara. Ma jirto “diinta hele” kale oo Ilaahey noqonayo aadane (Yooxanaa 1:1,14) – waddada kaliya ee deyn aan la soo koobi karin waa la bixin lahaa. Ciise waa in uu Ilaah noqdaa si markaas uu ubixiyo deynteena. Ciise waa in uu aadane ahaadaa si markaas u dhinto. Badbaadada waxaa laga heli karaa kaliya dhinaca rumeysiga Ciise Masiixi! “Badbaada lagama helayo qof kale, ma jiraan maggac kale sida waafaqsan janada la siiyay aadanaha ee ah in aan ku badbaadno” (Falimaha Rasuulada 4:12).

Miyaad go’aan masiixi ka gaartey waxaad halkan aqrisay darted? Haddey saas tahay fadlan riix badhanka hoose oo oranaya, waan aqbalay/yeelay masiixi maanta.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Ma yahay Ciise Waddada kaliya ee Janada?
© Copyright Got Questions Ministries