settings icon
share icon
Su’aal

Baybalka dhabtii ma yahay Erayga Ilaahey?

Jawaab


Jawaabteena ku aadan su’aashan ma go’aansaneyso kaliya sida aan u aragno Baaybalka iyo muhiim ayay u tahay nolosheena, laakin sidoo kale waxay ugu dambeyntii nagu reebayaan saameyn gudaha. Haddii Baaybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey, markaas kadib waa in aan badbaadinaa, baranaa, cadeecnaa, iyo ugu dambeyntiina aaminaa. Haddii Baaybalka uu yahay Erayga Ilaahey kadib aad siideysid waa adigoo siidaayay Ilaahey laftiisa.

Dhabta oo ah in uu Ilaahey noo siiyay Baaybalka sida cadeyn iyo tusaalaha Jaceylkiisa uu noo qabo. Erayga “soo dajinta”micnaheeda oo fudud waa in Ilaahey uu la xiriiray bini’aadamka waxa uu Yahay iyo sida aan xiriir saxan ula yeelan karno Isaga. Kuwaani waa sheeyada aanan garan laheyn in Ilaahey si waana ah uu noogu sheegay Baaybalka inaga. Inkastoo soo dajinta Laftiisa ee Baaybalka ku siiyay si isa soo tareyso in kabadan ku dhawaadkii 1500 sanno, marwalba waxay wadataa wax walbo uu bini’aadam u baahanyahay in uu ka ogaado Ilaahey si markaas loola lahaado xiriir saxan. Haddii Baaybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey, markaas waa xukunkii ugu dambeeyay oo arimaha oo dhan ee iimaanka, ku dhaqanka diinta, iyo anshaxa.

Su’aasha ah in aan isweydiino waa sidee ayaan ku garan karnaa in Baaybalka uu yahay Erayga Ilaahey iyo uu san aheyn kaliya buug wanaagsan? Maxaa gaar ka ah Baaybalka oo dajiya qeybta kitaabada diimanka kale oo dhan ee horay loo qoray? Ma jiraan wax cadeyn ah oo ah in Baaybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey? Kuwaani waa noocyada su’aalaha laga yaabo in la eego haddii ay tahay in aan si dhab ah u baarno sheegashada baaybalka ee ah in Baaybalka uu yahay Erayga ugu horeeya ee Ilaahey, waana lagu waxyoobay,iyo guud ahaan ku fillan dhammaan arimaha oo dhan ee rumeysiga iyo dhaqanka.

Majiri karaan wax shaki ah ee ku saabsan arinta ah in Baaybalka uu sheegto in uu yahay Erayga Ilaahey. Tani waxaa sicad loogu arkay ammaanta Paul ee Timoteyos: “. . . yaraantaada ka bilaw waxaad taqaanay Kitaabka quduuska, kaas oo kuu suurtagalinayo in uu kaa dhigo mid aqi leh ee badbaada dhinaca rumeynta Ciise Masiixi. Dhammaan Kitaabada waa Hadalka Ilaahey iyo waxtar ayay u yihiin barashada, cannaanta, saxida iyo tababarka wanaag sameynta, si markaas aadanaha Ilaahey laga yaabo in uu isku qalabeeyo shaqo walboo wanaagsan” (2 Timoteyos 3:15-17).

Waxaa jira laba cadeymo gudaha iyo cadeymaha gudaha ee in Baaybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey. Cadeynta gudaha waa kuwa ku jira Baaybalka kaas oo cadeeyo asalka rabaaniga. Midka mid ah cadeymaha gudaha ee Baaybalka dhabtii waa Erayga Ilaahey waxaa lagu arkay midnimada. Xitaa inkastoo ay tahay dhabtii lixdan iyo lix buuggaag gaar ah, ee lagu qoray sedex qaaradood, oo sedex luuqadood oo kala duwan, in kabadan muddo ku dhawaadkii 1500 sanno, in kabadan 40 qoraayaal ee ka kala yimid dhinacyo badan oo nolasha ah, Baaybalka wuxuu joogteeyay hal buug oo mideysan ee ka bilaabanaya ilaa dhammaadka iyada oo aan jirin qilaaf. Midnimadaan waxay lamid tahay buuggaagta kale oo dhan iyo waxaa cadeyn u ah rabaaniga asalka erayada sida Ilaahey u dhaqaajiyay aadanaha wado noocaas ah ee ay ku qoraan Erayadiisa ugu horeeya.

Cadeymo kale oo gudaha ah ee tilmaanta in Baaybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey waxaa lagu arkay saadaalinta la jirto boggogaan. Baaybalka wuxuu wataa boqolaal sharaxaadyo saadaalinta ah ee la xiriirta mustaqbalka qowmiyad gaar ah oo ay ku jiraan Israa’iil, mustaqbalka magaalooyinka qaarkood, mustaqbalka aadanaha, iyo imaanshaha Mid noqonaya Masiixiga, Badbaadiyaha ma ahan kaliya Israa’iil, laakin dhammaan inta Isaga aaminsan. Si ka duwan saadaasha laga helay buuggaagta diimanka kale ama kuwa uu sameeyay Nostradamus, saadaasha baaybalka waa mid aad u sharaxan iyo weligii kuma dhicin in uu rumoobo. Waxaa jira in kabadan sedex boqol oo saadaalino ee la xiriira Ciisa Masiixi ee Axdigii Hore kaliya ah. Ma ahan kaliya in horay loogu sheegay meesha uu ku dhalanayo iyo qoyska uu ka imaanayo Isaga, laakin sidoo kale sida uu Isaga u dhimanayo iyo in uu soo laabanayo markale Isaga maalinta sedexaad. Halkaas sahlanaan ma jirto wado macquul ah ee sharaxeyso saadaasha rumowday ee Baaybalka oo aan ka aheyn asalka Ilaahey. Ma jiraan buug diin kale ah oo wata baaxada ama nooca saadaasha la qiyaasi karo ee Baaybalka uu leeyahay.

Cadeynta gudaha sadexaad ee asalka rabaaniga Baaybalka waxaa lagu arkay maamul isku mid ah iyo awood. Iyadoo cadeyntaan aad looga taaban karo labadii ka horeysay, ma jiraan wax ka yar cadeyn awood buuxda leh ee asalka rabaaniga ee Baaybalka. Baaybalka wuxuu leeyahay maamul isku mid ah oo aan la mid aheyn buug kale oo horay loo qoray. Maamulkaan iyo awoodaan waxaa si wanaagsan loogu arkaa qaabka nolola aan la xisaabin karin loogu bedelay awooda dabiiciga ah ee Erayga Ilaahey. Balwada daroogada ayaa lagu daaweeyay, dooqa galmada ayaa lagu fasaxay, hanti la’aanta iyo deynta ayaa lagu bedelay, dambiilayaasha adag ayaa lagu aasaasay, dambiilayaasha ayaa lagu canaantay, iyo naceebka ayaa jaceyl loogu bedelay iyadoo la aqrinayo. Baybalka wuxuu leeyahay awood firfircoon oo bedelmeysa taas oo kaliya suurtagal ah sababtoo ah dhabtii waa Erayga Ilaahey.

Waxaa sidoo kale jira cadeymo gudaha oo tilmaama in Baybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey. Mid kamid ah cadeymahaan waa taariiqeynta Baaybalka. Sababtoo ah Baybalka wuxuu sharaxaa dhacdooyin taariiqi ah, waa run buuxda iyo saxnaanta waxay quseysaa cadeynta sida dukumintiyo taariiqi ah oo kale. Dhinaca labada cadeyn ee qadiimiga ah iyo qoraalada kale, taariiqda waxay xisaabineysaa Baaybalka in horay loo ansixiyay waqti iyo waqti markale in uu yahay sax iyo run. Dhabtii, dhammaan qoraalada taariiqiga ah iyo qoraalada cadeynta ah ee taageeraya Baaybalka wuxuu sameeyaa buugga ugu wanaagsan ee laga qoray dunida hore. Arinta ah in Baaybalka uu si sax ah uqoro iyo dhab ah taariiq ahaan dhacdooyinka la xaqiijin karo in ay yihiin aastaan wanaagsan ee runteeda ah marka lala macaamilayo maadooyinka diinta iyo caqiidada iyo ku caawisaa cadeynta sheegashadeeda ee ah Erayga ugu Horeeyay ee Ilaahey.

Cadeyn kale oo gudaha ah in Baybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey waa daacadnimada qoraayaasha aadanaha. Sida horay aan u sheegay, Ilaahey wuxuu ka isticmaalaa aadanaha qeybo badan oo nolasha ah si uu noogu qoro Erayadiisa inaga. Barashada nololaha nimankaan, ma jiraan sababo wanaagsan ee lagu aamino in ay ahaayeen niman aan aamin iyo daacad aheyn. Baaritaanka noloshooda iyo dhabta oo ah in ay rabeen in ay si daran ugu dhintaan badanaaba waxa ay aaminsanyihiin, waxay noqotay wax cad nimankaan caadiga ah weli waxay run ahaan u aamineen in Ilaahey uu la hadlay. Ninka qoray Axdiga Cusub iyo boqolaal kale oo aaminsan (1 Korinthians 15:6) ee ku cusub runta fariintooda sababtoo ah waxay arkeen iyo waqti la qaateen Ciise Masiixi goortii uu dhimashada ka soo kacay. Isbedelka aragtida Masiixiga soo laabadka wuxuu leeyahay saameyno kala duwan. Cabsi ayay la dhuumaaleysanayeen iyagoo rabay in ay u dhintaan fariinta uu Ilaahey iyaga u sheegay. Noloshooda iyo dhimashadooda waxay cadeyneysaa arinta ah in Baaybalka dhabtii uu yahay Erayga Ilaahey.

Cadeynta gudaha ee ugu dambeysay ee in Baybalka uu dhabtii yahay Erayga Ilaahey waa baabi’in la‘aanta Baybalka. Sababtoo ah waa muhiim iyo waa sheegasho in la noqdo erayga ugu horeeya ee Ilaahey, Baybalka wuxuu la dhibaatooday weeraro kala duwan iyo isku dayo la rabo in lagu burburiyo sida buug kale oo taariiqda ku jira. Ka bilaw waqtigii hore ee Boqortooyada Roomada sida Diocletian, ee dhinaca sida kali taliyayaal shuuci ah iyo maalin casri ah oo cawaan nimada iyo jaahiliyada, Baaybalka wuu hor istaagay iyo wuuna ka raagay dhammaan weerarayaasha iyo weli wuxuu yahay buugga aduunka ugu daabaca badan maanta.

Ilaa waqtiyada oo dhan, falaagadii waxay ku tilmaameen Baybalka sida sheeko hore, daraasada taariiqda aadanaha waxay u aasaastay sida taariiqi ah. Dad ka soo horjeedo ayaa weeraray barideeda sida qadiimi iyo waqtigiisa la dhaafay, laakin waa micnaha iyo fikrado sharci iyo barashada waxay ku sameysay saameyn wanaagsan bulshada iyo dhaqanka oo ilaa aduunka ah. Waxaa si joogta ah u weerara saayniska, nafsiga, iyo dhaqdhaqaaqa siyaasada, iyo weli waxay ku hartay sida runta iyo ku haboon maanta sida aheyd markii koowaad ee la qoray. Waa buug leh isbedel nololo badan iyo hiddo ee ilaa 2000 sanno ee la soo dhaafay. Dhibaato malahan sida kuwa ka soo horjeeda ay isugu dayaan in ay weeraraan, baabi’iyaan, ama beeniyaan, Baaybalka wuxuu ku haray sida xoogan, ee runta ah, iyo sida ku haboon weerarada ka dib sida ay horay u aheyd. Saxnaanta kaas oo lawada ilaalinayay inkastoo iskuday walba ee lagu masuqmaasuqayo, weerarayo, ama lagu baabi’inayo, way cadahay in arinta ah in Baaybalka uu yahay Erayga Ilaahey oo dhab ah iyo awood ahaan Isaga badbaadiyo. Ma ahan in aan la yaabno in dhib malahan sida Baaybalka loo weeraray, marwalba wuxuu ka soo baxaa iyada oo aan la bedelin iyo dhiig aan ku daadan. Wax walboo dhan kadib, Ciise wuxuu yiri, “Samada iyo dhulka way dhimanayaan, laakin erayadeyda marnaba ma dhimanayaan” (Markos 13:31). Markii la eego cadeynta ka dib qofka wuu dhihi karaa iyada oo aan shaki ku jirin haa, Baaybalka dhabtii waa Erayga Ilaahey.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Baybalka dhabtii ma yahay Erayga Ilaahey?
© Copyright Got Questions Ministries