settings icon
share icon
Su’aal

Waa maxay Masiixigu iyo maxay aaminsanyihiin Masiixiyiinta?

Jawaab


1 Korintos 15:1-4 wuxuu yiri, “Hadeer, walaalyaal, waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo injiilka aan idiinku wacdiyay, oo aad hesheen iyo aad u qaadatay oo aad ku taagantihiin. Injiilkaan waad ku badbaadeysaa, haddii aad si adag u qabsataan erayga aan idinku wacdiyay. Haddii kale, waxaad aaminsantihiin natiijo la’aan. Ama waxaan helay waan idin soo gudbiyay isda muhiimka ugu horeeyay ah: in Ciise Masiixiga u dhintay dambiyadeena sida waafaqsan Kitaabada, in la duugay isaga, in uu soo noolaaday maalinta sadexaad sida waafaqsan Kitaabada.”

Si kooban, taasi waa muhiimka aaminka ee Masiixinimada. Sida la midka ah kuwa kamid ah diimanka kale, Masiixiyiinta badanaa waxay ku saabsantahay xiriirka dhinacii ku dhaqanka diinta. Bedelkii la cadeeci lahaa qoraalka “wax yaabaha la sameynayo iyo aan la sameyn,” hamilada Masiixiga waa diyaar garowga socod dhaw ee Aabaha Ilaahey. Xiriirkaas waxaa suurtogal laga dhigay sababtoo ah shaqada Ciise Masiixi iyo wasaarada nolasha Masiixiga ee Ruuxa Quduuska ah.

Masiixiyiinta waxay aaminsanyihiin in Baaybalka uu yahay waxyaha, Erayga Ilaahey oo aan qalad aheyn, iyo barashadeeda waa xukunka ugu dambeeyay (2 Timoteyos 3:16; 2 Butros 1:20-21). Masiixiyiinta waxay aaminsanyihiin in hal Ilaahey uu ka jiro sedex qof, Aabaha, Wiilka (Ciise Masiixi), iyo Ruuxa Quduuska ah.

Masiixiyiinta waxay aaminsanyihiin in aadanaha si gaar ah loo abuuray si ay xiriir ula yeeshaan Ilaahey, laakin dambiga ayaa ka gooya dhammaan aadanaha Ilaahey (Rooma 3:23, 5:12). Masiixiga wuxuu baraa in Ciise Masiixi uu yimid aduunkaan, isagaoo Ilaahey buuxa, iyo weli aadana buuxa (Filiboy 2:6-11), iyo ku dhintay istilaabka. Masiixiga wuxuu aaminsanyahay in Dhimashadiisa ka dib ee istilaabka, Masiixiga waa la duugay, Wuu soo noolaaday markale, iyo hadeer wuxuu ku noolyahay gacanta midig ee aabaha, isagoo u sameynayo shafeeco kuwa aaminsan ah weligeed (Cibraaniyada 7:25). Masiixiyadu waxay ku dhawaaqeen in dhimashada Ciise’ ee istilaabka ay ku filneyd in gabi ahaanba uu u bixiyo deynta dambiyada ee laga rabo dhammaan aadanaha iyo tani waa waxa dib u soo celiyo xiriirka go’ay ee u dhaxeeyo Ilaahey iyo aadanaha (Cibraaniyada 9:11-14, 10:10; Rooma 5:8, 6:23).

Si markaas loo badbaadiyo, qofka waa in uu si fudud u xilsaaraa rumeyntiisa gabi ahaanba shaqada dhamaatay Ciise Masiixiga ee istilaabka. Haddii qof uu aaminsanyahay in Masiixiga uu ku dhintay meeshiisa isaga gaarka u ah iyo bixiyay cawaaqiibta dambiyadiisa, iyo soo noolaaday markale, kadib qofkaas wuu badbaadayaa. Ma jiraan wax qofna uu sameyn karo si uu u helo badbaado. Ma jiro qof noqon karo “wanaag ku fillan” oo lagu raali galinayo Ilaahey oo wadadiisa ama wadadeeda ah, sababtoo ah dhammaanteen waxaan nahay dambiilayaal (Ishacyaah 53:6, 64:6-7). Mida labaad, ma jiraan wax badan oo la sameyn karo, sababtoo ah Masiixiga wuxuu sameeyay dhammaan shaqada! Goortii uu istilaabka ku jiray, Ciise wuxuu yiri, “Way dhammatay” (Yooxanaa 19:30).

Sida uusan jirin qofkale oo sameyn karo in uu helo badbaadada, goortii uu qof ku meeleeyo aaminaadiisa/aaminaadeeda shaqada Masiixiga ee istilaabka, ma jiraan wax kale uu qofwalba sameyn karo si uu ulumiyo badbaadadiisa/badbaadadeeda midkood sababtoo ah shaqada waa la sameeyay waxaana dhameystiray Masiixiga! Ma jiraan wax ku saabsan badbaadada waxay ku xirantahay xiliga qofka uu helo iyada. Yooxanaa 10:27-29 wuxuu sheegay “Idaheyga wuxuu dhageystaa codkeyga; waan garanayaa iyaga, iyo way iraacaan. Waxaan siiyaa nolol waarta, iyo mala haligayo; ma jiro qof ka bixin karo gacanteyda. Aabaheyga, oo isga isiiyay iyaga, wuu ka wanaagsanyahay dhammaan; ma jiro qof ka bixin karo gacanta Aabaheyga.”

Qaarkood laga yaabo in ay umaleeyaan, “Tani in ay wanaagsantahay—mar hadiiba la i badbaadiyay, waxaan sameyn karaa sida aan rabo iyo ma weynayo badbaadadeyda!” Laakin badbaadada kuma saabsano xor ahaanshaha lagu sameynayo sida qofka uu rabo. Badbaadada xor noqoshada ee in ay u adeegaan dambiga dabiiciga hore iyo xor ahaanshaha lagu dabagalayo xiriirka saxan ee Ilaahey. Meeshaas oo aan mar aan adooman ku aheyn dambiga, hadeer waxaan adooman u nahay Ciise Masiixiga (Rooma 6:15-22). Hadiiba ay rumeysayaasha ku noolyihiin aduunkaan jirkooda dambiyaysan, waxaa jiraya halgan joogta ah ee bixinta dambiga. Si kastaba, Masiixiga wuxuu heli karaa ka guuleysiga dhibaatada dambiyada iyadoo la baranayo iyo loo hogaansanaanayo Erayga Ilaahey (Baaybalka) noloshooda, iyo lagu xukumo Ruux Quduus ah—taas oo ah, gudbinta saameynta Ruuxa iyo u hogaaminta maalin walba xaalado iyo awooda Ruuxa, oo la cadeecayo Erayga Ilaahey.

Marka, iyadoo nidaamyo diiman badan ay u baahanyihiin in qofka uu sameeyo waxyaabaha qaar ama uusan sameynin waxyaabaha qaar, Masiixiga waa rumeynta in Ciise Masiixi ku dhintay istilaabka sida bixinta dambigaaga iyo soo noolaaday markale. Deynta dambigaaga waa la bixiyay iyo waxaad heli kartaa wehelnimada Ilaahey. Waxaad heli kartaa guusha dambiyadaada dabiiciga ah iyo la la socon kartaa wehelnimada iyo cadeecida Ilaahey. Taasi waa baaybalka Masiixinimada runta ah.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Waa maxay Masiixigu iyo maxay aaminsanyihiin Masiixiyiinta?
© Copyright Got Questions Ministries