settings icon
share icon
Su’aal

Ciise Ma ilaahbaa? weligiis ciise ma sheegtay ilaahnimo?

Jawaab


Ciise weligees lagama warrin baybalka inuu yiri kalmadahaas cad, “ ilaah baan ahay’ hase ahaatee, taas macnaheedu maahan inuusan sheegin inuu ilaah yahay, tussalo u soo qaado kalmadaha ciise ee ku xusan john 10:30 “aniga iyo aabuhu waa mid” waxxan u baahannahay oo kelya inaan eegnno/ fiirinno sidey yahuuddu uga dhiidhisey oraahdiisa si aan u ogaanno inuu sheeganeyey ilaahnimo. Waxey isku dayeen iney dhagaxyeeyaan sababtaan darted.—adiga oo nin uun/keliya ah baad sheeganeysaa inaad ilaah tahay. (John 10:33). Yahuudu waxay runtii garatay waxa uu ciise sheeganayo, eegnna ciise ma dafirin inuu ilaahnimo sheeganayo, markuu ciise ku dhawaaqay, “ aniga iyo aabuhu waa mid” (John 10:30) wuxuu laha in asaga iyo aabuhu yihiin hal mid, isku wax ah, John 8:58 waa tusaale kale, ciise wuxuu yiri, “Runtaan idiin sheegayaa, intuusan ibraahim dhalan, “waan ahay/waxaan ahay”jawaabta yahuudii erayadaas maqashay waxay ahayd inay dhagaxyo qaateen si ay ugu dilaan been abuur/qadaf, sida sharciga muuse ku amray iney sameeyaan (Laviticus 24:15) John wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa fikirka ah inuu ciise rabi yahay:” eraygu wauxuu ahaa ilaah, misna eragu wuxuu noqday hilib/naf (John1:1,14) tixahaasi/ayadahaasi waxay si cad u tilmaamayaan inuu Ciise ilaah ka yahay jirka/hilibka/nafta. Acts 20:28 wuxuu noo sheegayaa” noqda dhawrayaashii keneesada ilaahay, taasoo uu ku gaday dhiigiisa” yaa gaday kaneesada- kaneesada ilaahay- dhiigiisa? Ciise Masiix, Acts 20:28 waxay sheegeysaa “ inuu ilaaheey kaneesadiisa ku gatay dhiigiisa, sidaas darted ciise waa ilaah!

Thomas raacsane/arday wuxuu ciise ka yiri, “ sarreyahaygiiyow,ilaahayow, (John20:28) ciisana kama sixin. Titus 2:13 wuxuu nagu boorrinayaa inaan sugnno imaatinka ilaaheena, badbaadiyaha, Ciise Masiix, (arag sidoo kale 2 Peter 1:1) Hibrew 1:8, Aabuhuna wuxuu ciise ku caddeynayaa, laakin wiilka waxuu ka leeyahay,” carshigaaga allow wuu jirayaa weligiis iyo weligiis, toosnaantuna waxay ahaaneysaa ubucda/salka boqortooyadaada, aabihii wuxuu ku sheegayaa ciise ilaah,muujineysa inuu dhabtii ciise ilaah yahay.

Waxyigana, malaa’ig baa waxay fareysaa John inuu ilaahay kaliya caabudu (Revelation 19:10). Dhowr goor/jeer baa ciise la caabudey sida baybalka ku taal (Mathew 2:11,14:33,28:9; 17; Luke 24:52; John9:38) weligiisna kama diidin/cambaareyn dadku iney caabudaan. Ciise haduusan ilaah ahayn, wuxuu daka u sheegi lahaa ineysan caabudin, sida malaa’igtii waxyiguba sameysay, aayado iyo tixo badan oo qoran baa jira oo u doodaya ilaahnimada ciise.

Sababta ugu muhiimsan ay tahay inuu ciise ilaah yahay, waa hadii uusan ilaah ahayn, geeridiisu kuma fillaateen iney bixiso ciqaabta dunida oo dhan (1 John 2:2) Nafle la wax la abuuray buu noqon lahaa ciise haduusan ilaah ahayn, mana uu bixinkaro magta laga rabo dambi laga galay ilaah abid jira, ilaah keliyaa bixin karaa mag sidaas u badan. Ilaah keliyaa wada qaadan kara danuubta dunidoo dhan (2 Corinthians 5:21), dhimo oo dib ha laguu soo nooleeyo, waxuu caddeyey siduu uga adkaaday/guuleystay dambi iyo geeri.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Ciise Ma ilaahbaa? weligiis ciise ma sheegtay ilaahnimo?
© Copyright Got Questions Ministries