settings icon
share icon
Su’aal

Waa maxay sifooyinka Ilaahey? Ilaahey siduu Yahay?

Jawaab


Aqbaaraha wanaagsan, sida aan iskugu daynay ka jawaabida su’aashaan, waa mida wax badan ka jiraan oo laga ogaan karo Ilaahey! Kuwa baaro sharaxaadaan laga yaabo in ay arkaan caawin-buuxda oo aqrinta marka koowaad gabi ahaanba; kadib gadaal ku laabo iyo fiiri meelaha Kitaabka laga doortay oo xaqiijin dheeraad ah. Tixraacyada Kitaabka gabi ahaanba waa muhiim, iyada oo aan jirin ogolaanshaha Baaybalka, isku darkaan erayada kama wanaagsano fikrada aadanaha; taas oo lafteeda badanaa qalad ah fahamka Ilaahey (Ayuub 42:7). Si loo dhaho muhiim ayay noo tahay in aan isku dayno in aan fahamno waxa Ilaahey uu yahay waa muhiimad weyn! Haddii aad ku guuldareysatid in aad sidaas sameysid waxaa laga yaabaa in ay nagu sababto in aan diyaarino, daba ceyrsano, iyo aan caabudno ilaaheeyo been ah oo lid ku ah Rabitaankiisa (Baxiintii 20:3-5).

Kaliya waxa uu Ilaaheey u doortay laftiisa in la muujiyo waxa lagaran karaa. Mid ka mid ah sifooyinka Ilaahey ama qiimeynada waa “nuur”micnaheeda ah, in uu yahay Isaga mid isu sheego warbixinta Naftiisa (Ishacyaah 60:19, Yacquub 1:17). Dhabtii Ilaahey wuxuu sheegay cilmi Nafsadiisa ah in aan la dayacin, qofkii inaga naga mid ah oo ka gaabiyo fahamka intiisa kale (Cibraaniyada 4:1). Abuurka, Baybalka, iyo Aduunka waxay ka sameysanyihiin dhiig ayaa nagu caawinayo in aan ogaano Waxa uu Ilaaheey yahay.

Aan ku bilawno fahamka in Ilaahey uu yahay Abuuraheena iyo in aan nahay qeyb kamid ah Abuurkiisa (Bilogii 1:1 Sabuuradii 24:1). Ilaahey wuxuu yiri in aadanaha laga abuuray Muuqaalkiisa. Aadanaha in uu ka sareeyo abuurka kale oo dhan iyo waxaa la siiyay in ay xukumaan (Bilowgii 1:26-28). Abuurka waxaa haleeyay ‘dhicida’ laakin weli waxay bixisaa qeyb Shaqooyinkiisa ah (Bilowgii 3:17-18; Rooma 1:19-20). Iyadoo la tixgelinayo waasaca abuurka, adkaanta, quruxda, iyo dalabka waan arki karnaa jiritaanka wanaagsan ee Ilaahey.

Aqrinta qaar ka mid ah magacyada Ilaahey waxay u noqon kartaa caawin-buuxda baaristeena ee waxa Ilaahey uu yahay. Iyaga waa sida xigta:

Elohim - Mid xoogan, rabaani ah (Bilowgii 1:1)
Adonai - Ilaahey, tilmaamaya Sayidka xiriirka adoonka (Baxniintii 4:10,13)
El Elyon - Midka ugu Sareeyo, Midka ugu xoogan (Bilowgii 14:20)
El Roi - midka ugu xoogan Midka arkaa (Bilowgii 16:13)
El Shaddai - Ilaaha Qaadirka ah (Bilowgii 17:1)
El Olam - Ilaaheyga Daa’imka ah (Ishacyaah 40:28)
Yahweh - ILAAH “Waan Ahay”, micnaheeda yahay Ilaaheyga weligii jira (Baxniintii 3:13,14).

Waxaan weli sii wadeynaa inagoo wax badan ka baareyno sifooyinka Ilaahey; Ilaaheey waa daa’im, micnaheeda yahay Malahan bilaw iyo Jiritaankiisa weligeed ma dhamaaneyso. Waa ma dhinte, lama soo koobi karo (Sharciga kunoqoshadiisa 33:27; Sabuuradii 90:2; 1 Timoteyos 1:17). Ilaahey ma badelmi karo, micnaheeda yahay Lama bedeli karo; tani micnaheeda waa in Ilaahey gabi ahaanba uu yahay mid lagu xisaabtamo iyo aamin leh (Malaakii 3:6; Lambarada 23:19; Sabuuradii 102:26,27). Ilaahey lama barbardhigi karo, micnaheeda yahay ma jiro qof sida Isaga oo kale shaqadiisa ama jiritaankiisa; ma jiro mid Isaga la mid ah iyo kaamil ah (2 Samuu’eel 7:22; Sabuuradii 86:8; Ishacyaah 40:25; Mateyos 5:48). Ilaahey lama raadin karo, micnaheeda yahay Lama fahmi karo, lama raadin karo, ogaanshaha wixii la soo dhaafay oo gabi ahaanba wuu fahamsanyahay Isaga (Ishacyaah 40:28; Sabuuradii 145:3; Rooma 11:33,34).

Ilaahey waa cadaalad, micnaheeda yahay Isaga qofna ma ixtiraamo oo ujeedada eexsashada ah (Sahrciga kunoqoshadiisa 32:4; Sabuuradii 18:30). Ilaahey wuu awood badanyahay, micnaheeda yahay Wuu awood weynyahay; Wuu sameyn karaa wax walba oo isaga uu rabo, laakin Ficiladiisa marwalba waxay waafaqsanaanayaan inta ka dhiman Sifooyinkiisa (Muujinta 19:6; Yaremyaah 32:17,27). Ilaahey waa waasac, micnaheeda yahay In uu yahay qof weligii ka jira, meel walbo; tani micnaheeda ma ahan in uu Ilaah yahay wax walbo (Sabuuradii 139:7-13; Yaremyaah 23:23). Ilaahey waa waasac, micnaheeda yahay Wuu ogyahay wixii la soo dhaafay, la joogo hadeer, iyo mustaqbalka, xitaa waxa aan ku fakareyno waqti walbo oo nala siiyay; maadaama uu Ogyahay wax walbo Cadaaladiisa mar walba waxaa lagu maamulaa cadaalad (Sabuuradii 139:1-5; Maahmaahyadii 5:21).

Ilaahey waa mid, micnaheeda yahay ma ahan kaliya in ay jirin wax kale, laakin sidoo kale Waa kaligiisa oo usuurtagashay in uu buuxiyo baahida ugu qoto dheer iyo dheeraashada wadnaheena, iyo Isaga kaligiisa wuxuu ka qiimo badanyahay cibaadeysigeena iyo kali yeelida (Sahrciga kunoqoshadiisa 6:4). Ilaahey waa xaq soore, micnaheeda yahay in Ilaahey uu san sameynin iyo uusan sameyneynin qalad; sababta waa xaq soorkiisa iyo cadaalada si markaas dambiyadeena loo cafiyo, Jesus wuxuu la kulmay xukunka Ilaahey goortii dambiyadeena Isaga la dulsaaray (Baxniintii 9:27; Mateyos 27:45-46; Rooma 3:21-26).

Ilaahey wuu madaxbanaanyahay, micnaheeda Waa ugu sareeyaa; dhammaan Abuurkiisa markii laysku daro, ha ahoodo kuwa lagaranayo ama aan lagaraneynin, malaga celin karo Ujeedooyinkiisa (Psalm 93:1; 95:3; Yaremyaah 23:20). Ilaahey waa ruux, micnaheeda Lama arki karo (Yooxanaa 1:18; 4:24). Ilaaheey waa Sedex midnimo, micnaheeda Isaga waa sedex hal ah, sida isku dar ah, oo lamid ah awood iyo ammaantiisa. Ogeysiinta ee meelaha Kitaabka ugu horeeya wuxuu qoray in ‘magaca’ uu yahay kaligii xitaa inkastoo uu la micna yahay Sedex qof oo kala duwan- “Aabaha, Wiilka, Ruuxa Qaduuska” (Mateyos 28:19; Markos 1:9-11). Ilaahey waa run, micnaheeda yahay in uu heshiis kula jiro dhammaan inta uu Yahay, wuxuu Ahaanayaa qof aan dhimanin iyo been ma sheegi karo (Sabuuradii 117:2; 1 Samuu’eel 15:29).

Ilaahey waa quduus, micnaheeda yahay in uu ka gooniyeysanyahay dhammaan nijaasta anshaxa iyo cadawnimada xagiisa ah. Ilaahey wuu arkaa dhammaan xumaanta oo dhan iyo way ka careysiisaa Isaga; dab ayaa badanaaba lagu sheegay kitaabka iyo quduusnimada. Ilaahey waxaa lagu tilmaamaa sida dab wax baabi’iyo (Ishacyaah 6:3; Zabaquuq 1:13; Baxniintii 3:2,4,5; Cibraaniyada 12:29). Ilaahey waa naxariis badan yahay - tani waxaa ku jirta Wanaagiisa, roonaantiisa, naxariistiisa, iyo jaceylka - taas oo ah erayada siiyo micnaha midibada wanaagiisa. Hadii aysan jiri laheyn nimcada Ilaahey waxaa loo arki lahaa inta ka hartay Dabeecadiisa in uu naga saari lahaa Isaga. Mahadcelin buuxda tani ma’ahan dacwada, oo ah in uu Isaga go’aansado in uu si gaar ah u ogaado mid walba oo inaga naga mid ah (Baxniintii 34:6; Sabuuradii 31:19; 1 Budros 1:3; Yooxanaa 3:16; Yooxanaa 17:3).

Tani waxay aheyd kaliya isku day dhexdhaxaad ah oo lagu jawaabayo su’aasha uu Ilaahey weydiiyo. Fadlan si weyn ugu dhiiranaw in aad sii wadid raadinta Isaga ka dib (Yeremyaah 29:13).

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Waa maxay sifooyinka Ilaahey? Ilaahey siduu Yahay?
© Copyright Got Questions Ministries