settings icon
share icon
Su’aal

Haddaan masiixi rumeeyey, dabadeenna/ ka bacdina?

Jawaab


Haddaan masiixi rumeeyey, dabadeenna/ ka bacdina?

Hambalyo: Go’aan nolol beddel/ wax ku ool ah baad qaadatay, haddaba waxaad malaha isweydiineeysaa, maxaa xigi doona? sidee baanse ilaahey ula safri karaa?” Shanta tallaabo hoos ku qoran ayaa baybalka tilmaamo kaa siin doona. Markaad su’aalo safarkaaga ka qabtid fadllan booqo: www.GotQuestions.org/Soomaali.

1-xaqiiji inaad fahamtid badbaadada.

1 John 5:13 wuxuu noo shegeyaa, waxyaabahan Waxaan u qorayaa adinka kuwa aaminsanoow wiilka ilaahey magi cilsa si aad u ogaataan inaad leedihiin nolol waarta” ilaahey wuxuu rabaa in aan fahamno badbaadada. Ilaahey wuxu rabaa in aan helno kalsoonida oo aan ku ogaaneynno si dhab ah in nala badbaadiyey. Si kooban aan u dul marro qodobada ugu muhiimsan badbaadada

a. dhamaanteen weynu denbaabney. Kulligeen waxeynu ku kacney wax aan alle faraxgelineyn (Romans 3:23 )

b. Denbigayaga Dartiis waxeynu muteysanney in nalagu ciqaabo ka go’onaan alle abidkeen (Roman 6:23)

c. Ciise wuxuu macatabaka ugu dul dhintey inuu baxsho denbiyadeenna dartood (Romans 5:8; 2 corinthians 5:21) Ciise annaguu noo dhintey, isaagoo qaatey ciqaabtaan muteysanney, dib u soo noolaantiisuna waxay caddeysey iney geerida ciise ku fillatay bixinta dembiyadeennii..

d. ilahhey cafiskiisa iyo badbaado wuxuu u fidiyaa kuwa aamina ciise rumeeyana iney geeridiisu ahayd bixinta danuubteennii (John 3:16; Romans 5:1; Romans 8:1)

Waa taa farriinta badbaadadu haddaad aaminsan tahay inuu Ciise masiix yahay badbaadiyahaaga. Waa lagu badbaadiyey, dunuubtaadaii oo dhan waa la cafiyey, ilaahna wuxuu kuu ballan qaadayaa inuusan weligiis kaa tagin ama ku dayicin/dayrin (Romans 8:38-39 Mathew 28:20). Xusuuso badbaadadaadu Ciisey ku jurta (John 10:28:29). haddaad aaminsantahey inuu ciise kelgiis kuu yahey badbaadiye. Waxaad ku kalsoonaan kartaa inaad abidkaa ilaahay jannada la joogeysid.

2-Hel kaneeso fiican oo ku barta baybalka.

Ha u qaadanin kaneesada sar/dhismo oo kale, kaniisaddu waa dadka. Waxa muhim ah in kuwa aaminsanCiise masiix ay isu yimaaddaan.taasi waa sababaha muhiimka oo keneesadu tan ugu weyn. marka haddaad anmintey Ciise masiix, wax aan kugu borrineyaa inaad heshid keneesad aaminsan baybalka oo ku taal deegaankaaga, lana hadal wadaadkeeda, hana ogaado caqiidadaada cusub ee Ciise masiixi.

Danta/muhimada labaad ee keneesadu waa baridda baybalka, waxaa baran kartaa sida amarada ilaahay ugu dabaqdid noloshaada/ugu dhaqi lahayd nolshaada, fahmaya inuu baybalku yahay furaha sidaad ugu noolaan lahayd nolol guul leh oo masiixinimo ah. 2 Timothy 3:16-17. waxuu leeyahay waxa ku qoran baybalku waa wada neef ilaahay oo ku fiican barashada,,cambaareynta, sixid iyo taba barka toosnaanta,sidaa darteed ninka ilaaheed/ahlu diinka ah wa uu si buuxda ugu qalabeysan yahay hawl kastoo fiican.

uJeedada saddexaad ee kanisadda waa cibaadeysasho, cabudaadu/cibaadeysigu waa alloo looga mad celinaya wuxuu sameeyay oo dhan. ilaah wuu na badbadiyey. Ilaahey wuu na jecel yahey. Waxbuu na siiyaa, wuu na hagaa, nana tilmaamaa. Sidee baa nan ugu mahad naqeynin. Ilaahey waa kheyr, waa qumane, waa na jaceyl, waa raxmadleh, waa sarreeye. Revelation 4:11 wuxuu leeyahay ilaahayoow waad ku haboontahey/ u qalantaa boqorow, ilaahayow inaad heshid sharaf iyo qaddarin iyo awood, Adaa wax welba abuurey. Rebitankaaga ayeyna ku yimadeen.”

3-Waqti sii maalin walba ilaahay.

Aad bey muhiim noogu tahay inaan maalin kasta waqti siinno ilaahay, dadka qaar waxey tan ugu yeeraan; ” waqti deggan/xasiloon” Qaarnna waxay ugu yeeraan, “ u gaar yeelid” maxaa yeelay waa waqtiga aan u gaar yeelnno naftayada ilaahay, qaar waxay jecel yihiin inay waqti subaxdii ah siiyaan, qaar kale waxey door bidaan fiidkii, macno kuma fadhido waxaad u bixisid iyo waqtigad ka dhigatid, waxa muhiim ah inaad waqt joogto ah ilaahay la qaadatid. Xaaladu sidee ah bey ka kooban yihiin la joogiddyada alle?

A- ducooyin/salaado, Ducado waa la hadal ilaahay. Kala hadal ilaahay xaaladahaaga, dhibaatooyikaaga, weydiisu ilaahay inuu ku siiyo garasho/xikmad iyo hanuun, weydiiso ilaahay inuu ku siiyo waxaad u baahantahay, u sheeg ilaahay sidaad u jeceshahay iyo sidaad ugu faraxsantahay wuxuu kuu sameeyey oo dhan. Waa saas waxay duco tahay.

B- Baybal aqris/ baybalka keniisada lagugu baro, dugsi axaddda ah iyo/ama baybal barasho, waxaad u sii baahan tahay inaad adigu aqrisatid baybalka, baybalka waxa ku jira wax kasta ood u baahan tahay inaad ogaatid si aad ugu noolaatitid nolol masiixinimo oo buuxda/guul leh, waxaa ku jira hagid/hanuunin ilaahay, si aad u qaadatid go’aanno fiican, sida loo ogaado damaca/rabitaanka ilaahay, sida dad kale loo wacdiyo, sida loo kobciyo ruuxaaga/caqqiddadaada, baybalku waa hadal alle noo soo diray, baybalku waa awaamir/tilmaamo ilaahay oo sidaan ugu noolaan lahayn nolol isaga faraxgelisa, annagana na qancisa.

4-Xiriir la sameyso dad kaa caawin kara caqiiddo ahaan.

1 Corinthians 15:33 wuxuu noo sheegayaa,” yaan lagu duufsan: saxiib xumi wuxuu fasahaadiyaa dhaqanka wanaagsan” haddaan muddo la soconno kuwo gala ficillo dambi ah, waxay nagu keeni inaan u hanqaltaagnno waxey sameynayeen. Dhaqnka/khuluqa kuwa naga agdhaw wuu nagu tirmi annagana, sidaas beyna muhiim u tahay inaan isku hareereyno dad kale oo boqorka jecel una daacad ah.

Isku day inaad heshid saaxiib ama labo, oo aad isku keneesad tihiin haddey suurowdo oo ku saacidi kara kuna dhiirrin gelin kara (Hebrew 3:13; 10:24) weydii saaxiibadaa inay kugula xisaabtamaan waqtigaaga deggenaanta ah, ficilladaada iyo lasocod kaaga ilaahay, weydii haddaad iyagana sidaas oo kale u sameyn kartid. Tan maceheedu maahan inaad saaxibadaada kale oon aqoonsaneyn inuu ciise badbaadiyahooda yahay goysid, waa inaad waddaa la saaxiibtinimadooda, jeclowna. U sheeg inuu ciise noloshaadii baddelay oo aadan sameyn karin waxaad sameyn jirtey oo dhan, wiiydiiso ilaahahey fursad aad ciise saaxibadaa kula wadaagtid.

5- dhex gal biyaha.

Dad badan qalad bay ka haystaan biyo dhex galka, kalmadda “baptize” maneheedu waa biyo quusid, waana habka baybaliga ah ood si muuqata u caddeyneysid caqiiddadaada cusub oo ciise iyo ballan qaad kaaga inaad raaceysid, ficilka biyo quusinto wuxuu tilmaamayaaa in lagula aasay masiix. Ficilka aad biyaha uga soo baxeysaa wuxuu sawirayaa dib u soo noolaantii masiix, in biyaha lagu quusiyaa waxay kuugu magac dareysaa geeridii ciise, aasidiisii/duugidiisii iyo dib u soo noolaantiisii (Romans 6:3-4).

Biyo dhex gelintu maahan waxa ku badbaadinyaa, biyo dhex gelinto ma mayreyso dambiyadaadii, biyo dhex gelintu waa un tallaabo addecid/amar qaadasho ah. Ku dhawaaqid dad dhexdiis rumeyntaada ciise si laguu badbaadiyo, biyo dhex quusiduu waa muhiim, maxaa yeelay waa tallaabo addeecid/amar qadasho ah. Inaad sii muuqata/dad dexdiis ku dhawaaqdid rumeyntaada/caqiiddadaada ciise masiix iyo bllan kaaga inaad raacdid. Haddad u diyaar tahay in lagu quusiyo biyo, waa inaad la hadashaa baadariga.

English



Ku noqo bogga Soomaliga

Haddaan masiixi rumeeyey, dabadeenna/ ka bacdina?
© Copyright Got Questions Ministries